Dastuurka JFS
Home Blog Authors
Back to Blog
 Cashirka 1aad (Cutubka 6aad, Qodobadda 77-80): Yaa Dalka u Dejiya Xeerarka?
Masud Hussein Abubakar Masud Hussein Abubakar · with Abdulkadir Sharif Hassan · November 24, 2026

Cashirka 1aad (Cutubka 6aad, Qodobadda 77-80): Yaa Dalka u Dejiya Xeerarka?

Cutubka 6aad: Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Cashirka 1aad: Baarlamaanka Federaalka: Yaa Dalka u Dejiya Xeerarka?

Yaa u xilsaaran dejinta xeerarka dalka?

Dal kasta wuxuu u baahan yahay xeerar lagu hago nolosha bulshada iyo maamulka dalka. Soomaaliya, awoodda dejinta xeerarka waxaa leh Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (BFS). Tani waa mid ka mid ah shaqooyinka ugu waaweyn ee Baarlamaanka. (Qodobka 77aad, farqadda 1aad)

Baarlamaanku wuxuu ka kooban yahay laba Aqal

  1. Golaha Shacabka
  2. Aqalka Sare

Labada Aqal mid kastaa wuxuu leeyahay waajibaad u gaar ah iyo hawlaha wadaag ah oo ay si wadajir ah u gutaan. (Qodobka 77aad, farqadda 2aad)

Xildhibaanku yuu matalaa?

Xildhibaanku waxaa xil ka saaran  ka shaqeynta danta guud ee ummadda iyo qaranka, ma ahan inuu keliya matalo danaha xisbi siyaasadeedka uu ka tirsan yahay. (Qodobka 78aad, farqadda 1aad)

Xildhibaanka Golaha Shacabka ka tirsani wuxuu matalaa muwaadiniinta Soomaaliyeed oo dhan, gaar ahaan dadka deegaankii laga soo doortay. Matalaaddiisu kuma koobna taageerayaasha xisbigiisa, balse waxay khusaysaa dhammaan dadka uu matalo. (Qodobka 78aad, farqadda 2aad)

Xildhibaanka Aqalka Sare wuxuu leeyahay laba waajibaad:

  • Wuxuu matalaa danaha dawlad-goboleedkiisa.
  • Wuxuu ilaaliyaa nidaamka federaalka, gaar ahaan iskaashiga iyo xiriirka kala dhexeeya dawladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada. (Qodobka 78aad, farqadda 3aad)

Immisa xildhibaan ayuu Baarlamaanku leeyahay?

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu ka kooban yahay:

  • Golaha Shacabka: 275 xildhibaan.
  • Aqalka Sare: 54 senator/xildhibaan.

Tirada xubnaha labada Aqal waxaa lagu qeexay Dastuurka JFS, waxaana matalaadda lagu saleeyaa 18-kii gobol ee dalka. (Qodobka 79aad, farqadda 1aad)

Qaybsiga kuraasta waa inuu ku dhisnaadaa caddaalad, si qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ay u helaan matalaad ku habboon. (Qodobka 79aad, farqadda 2aad)

Maxaa dhacaya marka Madaxweynaha uu xilka ka dego?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee xilkiisa ku dhammeysta si nabad ah oo waafaqsan mabaadi'da dimuqraadiyadda, isla markaana aan xilka laga qaadin, wuxuu xaq u leeyahay inuu xubin ka noqdo Aqalka Sare. (Qodobka 79aad, farqadda 3aad)

Xubinnimadani waa mid dheeraad ah oo ka baxsan 54-ka senator ee la doorto.

Yaa u tartami kara xubinnimada Baarlamaanka?

Qofka doonaya inuu xubin ka noqdo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waa inuu buuxiyaa sagaalkan shuruudood: (Qodobka 80aad, farqadda 1aad)

  1. Muwaadin: Waa inuu yahay muwaadin Soomaaliyeed.
  2. Xuquuqda madaniga ah: Waa inuusan maxkamadi ka xayirin xuquuqdiisa madaniga ah, ama uusan ku mutaysan xukun maxkamadeed oo ah shan (5) sano ama ka badan.
  3. Caafimaadka maskaxda: Waa inuu maskax ahaan awood u leeyahay gudashada waajibaadka xilka.
  4. Da'da: Waa inuu ugu yaraan jiraa 25 sano haddii uu u tartamayo Golaha Shacabka, ama 30 sano haddii uu u tartamayo Aqalka Sare. Sidoo kale, waa inuu yahay codbixiye diiwaangashan.
  5. Waxbarashada: Waa inuu haystaa shahaado jaamacadeed oo heer Diploma ama Bachelor ah, ama aqoon iyo waayo-aragnimo u dhiganta.
  6. Khibradda shaqo: Waa inuu leeyahay ugu yaraan saddex (3) sano oo waayo-aragnimo shaqo ah haddii uu u tartamayo Golaha Shacabka, ama shan (5) sano haddii uu u tartamayo Aqalka Sare.
  7. Daacadnimo iyo ammaano: Waa inuu yahay qof daacad ah oo lagu kalsoonaan karo.
  8. Deganaanshaha dalka: Waa inuu Soomaaliya ku noolaa ugu yaraan laba sano ka hor taariikhda doorashada.
  9. Xubinimada xisbi siyaasadeed: Waa inuu xubin ka yahay xisbi siyaasadeed oo si rasmi ah u diiwaangashan.

Guddiga ay khusayso ayaa hubinaya in musharraxiintu buuxiyeen shuruudaha looga baahan yahay xubinnimada Baarlamaanka. (Qodobka 80aad, farqadda 2aad)

Xusuusnow

  • Baarlamaanka Federaalka ayaa leh awoodda dejinta xeerarka dalka.
  • Labada Aqal uu ka kooban yahay BFs: Golaha Shacabka oo leh 275 xildhibaan iyo Aqalka Sare oo leh 54 senator.
  • Xildhibaanka Golaha Shacabka wuxuu matalaa muwaadiniinta iyo danta guud, mana aha oo keliya xisbi ama koox gaar ah. Ka Aqalka sarena wuxuu matalaa danaha dawlad-goboleedkiisa.
  • Sagaal shuruudood ayaa laga rabaa qofka doonaya inuu u tartamo xubinnimada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Masud Hussein Abubakar

Masud Hussein Abubakar

Masud Hussein is an Advocate with a multidisciplinary background in law, technology, and finance. He is a Governance, Risk, and Compliance (GRC) Specialist with expertise spanning legal practice, software engineering, and institutional governance. He is the initiator of Xeerduud.com / Constitution.so, an independent civic technology initiative dedicated to improving public access to Somalia’s Constitution through digital innovation and legal education. His professional interests include constitutional law, data protection and privacy, cybersecurity compliance, regulatory governance, and the application of technology to legal practice. He holds an MSc in Software Engineering and professional qualifications as an ISO/IEC 27001:2022 Lead Auditor and ISO/IEC 27701:2025 Lead Implementer. He also serves as Aquatics Treasurer at Somali World Aquatics. Through his professional work and writing, Masud explores the intersection of law, technology, finance, and governance, sharing insights that promote legal awareness, strengthen institutional capacity, and advance practical approaches to compliance and digital transformation.

Comments (1)

Ali Mohamed roble

· 3 days ago

Aad ayaan ugu faraxsanahay in appreciation iga caawiyay fahamka Dastuurka walba si fudud mhdsnd Ustd Avv.Mascuud